Skip to main content

WASIIRKA HORUMARINTA BEERAHA OO JOOJIYEY SIIDHKA DIBADA LAGA SOO WAAARIDO

Hargaysa: Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa Shirkaddaha iyo hay’addaha ka shaqeeya soo dejinta iyo qaybinta Shinida beeraha ku amray inay maraan nidaam wasaaraddu ugu tallo gashay ilaalinta tayada shinida Beeraha.
War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirku ayuu shirkaddaha iyo hay’addaha ka shaqeeya Shinida beeraha ku amray in ay u hogaansamaan nidaamka wasaaradda beeraha, waxaanu ku faahfaahiyey nidaamka ay wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta tayada Shinida beeraha.
Warsaxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan:
Ku: Dhammaan Hay’addaha Wadashaqaynta la leh wasaaradda horumarinta Beeraha
Ujeedo: Soo Dejinta Shinida Beeraha
Wasaaradda horumarinta beeruhu, iyada oo kaashanaysa dadyawga ka ganacsada ee ku hawlan soo dejinta agabka beeraha iy ohay’addaha qaramada midoobay, kuwa aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ku hawlan kor u qaadista maceeshada iyo yaraynta macaluusha inay nagala shaqeeyaan arrimahan hoos ku xusan sida:
Hay’ad kasta oo ku hawlan soo dejinta shinida beeraha iyo agabka beeraha waxaanu kula talinaynaa:-
1) Dhammaan shinada la soo iibinayaa inay noqdaan kuwa ka yimaada meelo la hubo sida, dalalka Geeska Afrika, anaga oo door bidayna kuwa ka soo baxa tijaabooyinka Itoobiya iyo Kenya ama dalalka aanu isku cimilada nahay.
2) Shinidu waa inay ahaato kuwa loo sii daayey beeralayda yar yar ee dalalkaasi kor ku xusan, isla markaana waa inay tahay shini wadata cadaymaheeda (Certified Seeds).
3) Waxa kale oo aanu soo jeedin lahayn in la isticmaalo shinada xulka ah ee waddaniga ah ee laga heli karo wadanka iyo ururada waddaniga ah sida Wasaaradda Horumarinta Beeraha, HAVOYOCO iyo FAO (Mashruuca SOMASEED-ka) wixii laga hayo.
4) Shinada la soo dejinayo waa in la soo mariyo xarunta wasaaradda horumarinta beeraha si loo hubiyo tayadeeda.
5) In shinada waddaniga ah ee beeralaydu haysato kaydsadaan si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada loo baahdo
6) Waa in laga helo Ogolaansho Wasaaradda mar kasta oo la rabo in abuur dalka la keeno waana in la soo tusaa inyar oo tijaabo ah
7) Wareegtadani Waxa ay dhaqangal tahay ilaa inta la sameynayo siyaasadda shinida beeraha ee wasaaradda horumarinta beeraha.
Mudane: Axmed Muumin Seed
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha



 Qore:Cabdirashid mowlid osman
     AALAH MAHAD LEH

Comments

Popular posts from this blog

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI)

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI) Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa. Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. [ Halkan ka akhrsio Maqaalkii 2016 ] si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah: 1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera 2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera 3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo 4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca 5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya Taariikhda Mashruuca  Mashruuca loo yaqaan B...

Xisbiga WADDANI oo heshiishka DP World ku tilmaamay mid madmadow badan ku jiraan

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin. “Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%. “Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi...

Hogaamiyaha Aqlabiyada Kenya

Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka kenya Adan Barre Ducaale ayaa hadalkan yiri " Xilibaanadda Soomalida ee dowladooda diidan uma ogolaanayno inay Nairobi ka dumayaan dowladda Farmaajo iyo kheyre . Waan ku kalsoonahay Faramaajo iyo kheyre shaqo Fiican ayayna hayaan ".