(GABILEY)BIYO LAANTA KA TAGAN IYO KU WAREEJINTA WASAARADA HORUMARINTA MACDANTA IYO BIYAHA MAXAY TARASAA. Biyaha Magaalada Gabiley oo intooda ugu badani ka yimaadaan ceelasha Biyaha Botor islamarkaana,hore ay u badhi kaabi jreen Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,oo maalintii Arbacada ee Shaley si rasmi ah loogu wareejiyey Wasaaradda Biyaha ayaa dadweynaha Reer Gabiley,su,aalo badan iska weydiiyeen in isbadelkan ku yimid Geedi socodka biyuhu wax ka badeli doonaan iyo in kale. Inkastoo,ay jiraan dareeno badan oo Bulshadu ku waajahdey,in isbadelkan ku yimid nidaamkii Maamul ee Biyaha Gabiley aanu marnaba saameyn la,aan doonin islamarkaana, gees kasta oo laga joogsado ay iman doonaan xiliga adage e lagu jiro duruufo wax ka badeli doona cabitaankii Magaaladu,waxa ay dad badani aaminsan yihiin in Wareejintoodu tahey mid degdeg ah oo aaney jirin qorshe Wasaaraddu kaga dabaalan karto,wakhtigan guud ahaanba mushkiladaha jira Dareenkan Walaaca ah,ee Shacbiga Reer Gabiley ku beegeen War