Skip to main content

Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World

Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World


 
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) –Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo  shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay  Ururka Jaamacada Carabta.
Dowlada federaalka ayaa ayaak u tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.
Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.
Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.
“Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka




Qore:Cabdirashiid mowliid ozman

Comments

Popular posts from this blog

Xisbiga WADDANI oo heshiishka DP World ku tilmaamay mid madmadow badan ku jiraan

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin. “Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%. “Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi...

Somaliland refutes claims by Somalia on port deal with DP World

DP World’s sale would provide Ethiopia with a 19 percent stake in Somaliland’s Port of Berbera. (AP) The Somaliland Government has refuted claims by Somalia nullifying an agreement signed between the UAE ports operator DP World and the Ethiopian Government to acquire a 19 percent stake in Berbera Port. The Somaliland Minister of Information, Abdirahman Abdillahi Farah, said in a statement that the government of President Musa Behi Abdi worked to conclude the agreement with DP World and the Government of Ethiopia. and added that the Republic of Somaliland is a “sovereign and independent and does not allow others to prejudice its sovereignty”. On Friday, Somalia denounced the port deal, terming the agreement unconstitutional. The Somali Ministry of Ports and Marine Transport said in a statement that the government was not party to the agreement which it termed as defective. "This so-called agreement is both defective and detrimental to the sovereignty of the Federal ...

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI)

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI) Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa. Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. [ Halkan ka akhrsio Maqaalkii 2016 ] si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah: 1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera 2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera 3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo 4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca 5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya Taariikhda Mashruuca  Mashruuca loo yaqaan B...