Skip to main content

Biyaha Gabiley oo Gabaabsi Ah iyo Ku wareejinta Wasaradda Biyaha ito Macdanta(FALLO)

(GABILEY)BIYO LAANTA KA TAGAN IYO KU WAREEJINTA WASAARADA HORUMARINTA MACDANTA IYO BIYAHA MAXAY TARASAA. 
Biyaha Magaalada Gabiley oo intooda ugu badani ka yimaadaan ceelasha Biyaha Botor islamarkaana,hore ay u badhi kaabi jreen  Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,oo maalintii Arbacada ee Shaley si rasmi ah loogu wareejiyey Wasaaradda Biyaha ayaa dadweynaha Reer Gabiley,su,aalo badan iska weydiiyeen in isbadelkan ku yimid Geedi socodka biyuhu wax ka badeli doonaan iyo in kale.

Inkastoo,ay jiraan dareeno badan oo Bulshadu ku waajahdey,in isbadelkan ku yimid nidaamkii Maamul ee Biyaha Gabiley aanu marnaba saameyn la,aan doonin islamarkaana, gees kasta oo laga joogsado ay iman doonaan xiliga adage e lagu jiro duruufo wax ka badeli doona cabitaankii Magaaladu,waxa ay dad badani aaminsan yihiin in Wareejintoodu tahey mid degdeg ah oo aaney jirin qorshe Wasaaraddu kaga dabaalan karto,wakhtigan guud ahaanba mushkiladaha jira
Dareenkan Walaaca ah,ee Shacbiga Reer Gabiley ku beegeen Wareejinta Biyaha ee Dhinaca Wasaaradda ayaa ka dhashey xaalada ay bilawga ku yihiin guud ahaanba Wasaaraddaha dalku oo duruufo dhinaca dhaqaalaha iyo Miisaanayadahooda ku wajahan,maadaama aaney wali kasoo kabanin marxaladii kala guurka,iyo casaanka ku taagan ee Wasiirka Biyuhu ka dhawaajiyey,in lasii caseeyay kuwii Mashaariicda biyo balaadhinta sida Mashruuca Biyo baladhinta Caasimada ee Xumba-Weyne oo ku qiimeysnaa in ka badan labaatan milyan oo dollar oo hore u qabyoobey iyo kii ka dambeeyay ee Dawllada Imaaraadku bixisey,taas oo ay la wadaagto dhinaca Tog-Wajaale oo wali Biyuhu ka maqan yihiin mashruucii labada Milyan ee Dollar ahaa oo isaguna Wali Qabyo culus oo aan dhameys tirneyn kujira iyo qaar badan oo kale.


Sikasta oo ay tahey ma yara Walaaca laga qabo biyo la,aan soo food saarta Magaalada Gabiley,oo ay ku nool yihiin wakhtigan dad aad u tira badan inkastoo,ay ka cabaan biyaha ka yimaada Ceelasha Botoreed ugu yaraan afartan kun oo qoys oo nagi ku ah Gudaha Magaalada Gabiley halka Qoysas kale oo badani ka cabaan Biyaha ay Booyaduhu kasoo dhaamiyaan Ceelasha Beeraha biyaha lagu Waraabiyo,isbadelkooda waxeynu eegi doonaa Toddobaadyada soo Socda.

Comments

Popular posts from this blog

Xisbiga WADDANI oo heshiishka DP World ku tilmaamay mid madmadow badan ku jiraan

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin. “Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%. “Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi...

Somaliland refutes claims by Somalia on port deal with DP World

DP World’s sale would provide Ethiopia with a 19 percent stake in Somaliland’s Port of Berbera. (AP) The Somaliland Government has refuted claims by Somalia nullifying an agreement signed between the UAE ports operator DP World and the Ethiopian Government to acquire a 19 percent stake in Berbera Port. The Somaliland Minister of Information, Abdirahman Abdillahi Farah, said in a statement that the government of President Musa Behi Abdi worked to conclude the agreement with DP World and the Government of Ethiopia. and added that the Republic of Somaliland is a “sovereign and independent and does not allow others to prejudice its sovereignty”. On Friday, Somalia denounced the port deal, terming the agreement unconstitutional. The Somali Ministry of Ports and Marine Transport said in a statement that the government was not party to the agreement which it termed as defective. "This so-called agreement is both defective and detrimental to the sovereignty of the Federal ...

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI)

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI) Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa. Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. [ Halkan ka akhrsio Maqaalkii 2016 ] si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah: 1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera 2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera 3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo 4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca 5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya Taariikhda Mashruuca  Mashruuca loo yaqaan B...