Skip to main content

Biyaha Gabiley oo Gabaabsi Ah iyo Ku wareejinta Wasaradda Biyaha ito Macdanta(FALLO)

(GABILEY)BIYO LAANTA KA TAGAN IYO KU WAREEJINTA WASAARADA HORUMARINTA MACDANTA IYO BIYAHA MAXAY TARASAA. 
Biyaha Magaalada Gabiley oo intooda ugu badani ka yimaadaan ceelasha Biyaha Botor islamarkaana,hore ay u badhi kaabi jreen  Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,oo maalintii Arbacada ee Shaley si rasmi ah loogu wareejiyey Wasaaradda Biyaha ayaa dadweynaha Reer Gabiley,su,aalo badan iska weydiiyeen in isbadelkan ku yimid Geedi socodka biyuhu wax ka badeli doonaan iyo in kale.

Inkastoo,ay jiraan dareeno badan oo Bulshadu ku waajahdey,in isbadelkan ku yimid nidaamkii Maamul ee Biyaha Gabiley aanu marnaba saameyn la,aan doonin islamarkaana, gees kasta oo laga joogsado ay iman doonaan xiliga adage e lagu jiro duruufo wax ka badeli doona cabitaankii Magaaladu,waxa ay dad badani aaminsan yihiin in Wareejintoodu tahey mid degdeg ah oo aaney jirin qorshe Wasaaraddu kaga dabaalan karto,wakhtigan guud ahaanba mushkiladaha jira
Dareenkan Walaaca ah,ee Shacbiga Reer Gabiley ku beegeen Wareejinta Biyaha ee Dhinaca Wasaaradda ayaa ka dhashey xaalada ay bilawga ku yihiin guud ahaanba Wasaaraddaha dalku oo duruufo dhinaca dhaqaalaha iyo Miisaanayadahooda ku wajahan,maadaama aaney wali kasoo kabanin marxaladii kala guurka,iyo casaanka ku taagan ee Wasiirka Biyuhu ka dhawaajiyey,in lasii caseeyay kuwii Mashaariicda biyo balaadhinta sida Mashruuca Biyo baladhinta Caasimada ee Xumba-Weyne oo ku qiimeysnaa in ka badan labaatan milyan oo dollar oo hore u qabyoobey iyo kii ka dambeeyay ee Dawllada Imaaraadku bixisey,taas oo ay la wadaagto dhinaca Tog-Wajaale oo wali Biyuhu ka maqan yihiin mashruucii labada Milyan ee Dollar ahaa oo isaguna Wali Qabyo culus oo aan dhameys tirneyn kujira iyo qaar badan oo kale.


Sikasta oo ay tahey ma yara Walaaca laga qabo biyo la,aan soo food saarta Magaalada Gabiley,oo ay ku nool yihiin wakhtigan dad aad u tira badan inkastoo,ay ka cabaan biyaha ka yimaada Ceelasha Botoreed ugu yaraan afartan kun oo qoys oo nagi ku ah Gudaha Magaalada Gabiley halka Qoysas kale oo badani ka cabaan Biyaha ay Booyaduhu kasoo dhaamiyaan Ceelasha Beeraha biyaha lagu Waraabiyo,isbadelkooda waxeynu eegi doonaa Toddobaadyada soo Socda.

Comments

Popular posts from this blog

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI)

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI) Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa. Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. [ Halkan ka akhrsio Maqaalkii 2016 ] si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah: 1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera 2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera 3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo 4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca 5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya Taariikhda Mashruuca  Mashruuca loo yaqaan B...

Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World

Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World   Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) –Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo  shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay  Ururka Jaamacada Carabta. Dowlada federaalka ayaa ayaak u tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka. Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya. Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo ce...

ABOUT SOMALILAND COUNTRY

What did you know about Somaliland? →Somaliland isn't state beacouse Somaliland get it's indepence for british colony in 1960.when it gets its indepence it get relationship form Somalia. But the relationship that gets form Somalia isnt be good dream.Somaliland dream was to get relationship with there brothers that was same language and same ethnic  Somaliland and Somalia was declined in 1991 May 18. The reason that caused to decline Somaliland and Somalia was the sami of Parliament. Just Somaliland has peaceful that doesnt has there brothers of Somalia and other countries in the world . The people of Somaliland are happy and they are excellent there life. Somaliland is good country.................. If you have some questions let write the comment and our sent me my Email cabsho123@gmail.com   Writer:Apdyrachid mowlid osman