Skip to main content

Ruushka Oo Sameeyey Diyaradii Hgu Weyneyd

Shirkadda Diyaaraddaha ee Russian Plane,  ayaa markii ugu horreysay isticmaalaysa diyaarad cusub oo aad uga weyn kuwii ay hore u isticmaali jirtay, waxaana diyaaraddani noqonaysaa MC-21.
Diyaaraddan oo hore loo bilaabay samaynteeda waxa la filayaa in ay dulimaadkeeda ugu horeeya samayso  sannadka soo socda ee 2019, sida uu ku dhawaaqay  ku xigeenka Ra’isal wasaaraha  dalkaasi Ruushka Dmitry Rogozin oo u waramaayey wargeyska Moscow Times ee dalkaasi kasoo baxa oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.
“waxaanu hore ugu guulaysanay  in aanu samayno diyaaradda Russian MC-211-300 , iyada oo dhowaan samaysay duulimaadkeedii 33-naad , waxaanaanu hadda wadnaa samaynta diyaarad kale oo aad uga weyn diyaaraddaha hadda la isticmaalo, laguna magcaabo MC 21 “. Ayuu yidhi Mr  Dmitry Rogozin.
Isaga oo Ra’isal wasaare ku xigeenka labaad ee Ruushku ka hadlaayey arrintaasi waxa uu yidhi “ waxa diyaaradda cusub la tijaabin doonaa  bisha February ilaa horaanta bisha March ee sannadkan cusub ee 2018-ka , iyada oo ay duulimaadyadeedana si caadi ah u bilaabi doonta sannadka 2019-ka “.
Diyaaraddan M-21 Waxa dhismeheeda waday in muddo ahba shirkadda Union iskaashatada la yidhaahdo ee ay ku kulmaan wershaddaha soo saara diyaaradaha wadanka Ruushka, waxaanay awood u lee dahay diyaaraddani inay qaado rakaab gaadhaaya ilaa 163 ilaa 111 qof, waxa kale oo iyadana la wadaa diyaarad kale oo loogu talo galay inay qaado 250 oo rakaab ah .
Noocii ka horeysay noocan iminka la sameeyey oo lagu magcaabi jiray MC-211-300 ayaa ahayd mid ka koobnayd diyaaraddan hadda la sameeyey, taas oo qaadi jirtay rakaab dhan 132 ilaa 165 rakaab ah, kuwaas u kala gooshi jiray adduunka iyo dalkaasi gudihiisaba.

Comments

Popular posts from this blog

Xisbiga WADDANI oo heshiishka DP World ku tilmaamay mid madmadow badan ku jiraan

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin. “Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%. “Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi...

Somaliland refutes claims by Somalia on port deal with DP World

DP World’s sale would provide Ethiopia with a 19 percent stake in Somaliland’s Port of Berbera. (AP) The Somaliland Government has refuted claims by Somalia nullifying an agreement signed between the UAE ports operator DP World and the Ethiopian Government to acquire a 19 percent stake in Berbera Port. The Somaliland Minister of Information, Abdirahman Abdillahi Farah, said in a statement that the government of President Musa Behi Abdi worked to conclude the agreement with DP World and the Government of Ethiopia. and added that the Republic of Somaliland is a “sovereign and independent and does not allow others to prejudice its sovereignty”. On Friday, Somalia denounced the port deal, terming the agreement unconstitutional. The Somali Ministry of Ports and Marine Transport said in a statement that the government was not party to the agreement which it termed as defective. "This so-called agreement is both defective and detrimental to the sovereignty of the Federal ...

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI)

DANTA ITOOBIYA EE HESHIISKA DP WORLD EE DEKADDA BERBERA! (QORSHIHII MELES ZENAWI) Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa. Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. [ Halkan ka akhrsio Maqaalkii 2016 ] si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah: 1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera 2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera 3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo 4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca 5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya Taariikhda Mashruuca  Mashruuca loo yaqaan B...