Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin. “Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%. “Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi...
Waxad kala socon kareysaa warar ku sabsan dunida iyo Shanta Somaliyed iyo waliba taariikh hore udhacay sida dhaqankii soomalida iyo habdhaqankoodi iyo waliba wax yaabo ku xiiso galiya

Comments
Post a Comment