Isku soo noqod wacan waxooga aan ku kala maqneyn hawada.waxa manta ku soo noqoqdey Isla hawadii.sidaa daraadee waxa qof kasta lagu wargalinayaa in blog dib shaqadiisii u bilaabey manta oo ah Isniiin Isla socod wanaagsan.
Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) –Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay Ururka Jaamacada Carabta. Dowlada federaalka ayaa ayaak u tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka. Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya. Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada &